Gaalkacyo-KNN-Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa goor dhow waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating iyo Xubno kale uu ka mid yahay Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed.
Wafdigaan ayaa hadda ku howlan sidii kulamo gooni gooni ah ay ula qaadan la haayeen dhinacyada maamulo magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug.
Waxaa sidoo kale kulamo ay la qaadan doonaan Saraakiisha kala duwan ee ka howlgalo magaalada.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada iyo kuwoo ka socda Qaramada Midoobey, waxaan wafdigaan ay halkaas u gaareen sidii loo adkeyn lahaa amaanka guud ee magaalada Gaalkacyo.