Uncategorized

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Dastuurka oo Maanta tagay Magaalada jowhar.

Jowhar_KNN-Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Cabdi Raxaman xoosh Jabriil iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa Maanta waxaa ay gaareen magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale Wasiir ayaa la Sheegay in Jowhar uu u tagay Sidii bulshada qeybaheeda kala duwan uu kala hadli lahaa Hormarinta Dastuurka iyo iyo Wadatashiyo kala Duwan uu kala Sameyn doono,iyadoona Kadib uu la kulmi doono madaxda ugu sareysa ee Maamulka Hirshabelle ee ku sugan Magaalada Jowhar.

Ujeedada booqashada ayeey tahay in wadatashi ku saabsan hannaanka dib u eegista Dastuurka la la yeesho madaxda iyo shacabka dawlad goboleedka Hirshabelle.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa Magaalada jowhar ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka Mid ah Wasiirka Dastuurka Maamulka Hirshabelle iyo madaxda kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabelle,iyadoona Wafdiga kadib loo gudbiyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Jowhar.

Xukuumada Soomaaliya ayaa Dadaal Badan waxaa ay ku bixinaysaa Sidii Shacabka ku nool guud ahaan gobalada Dalka la gala tashto hanaanka Dib u eegista Dastuurka Dalka.