Somali News

Wafdi uu hogaaminayo James Swan oo maanta gaaray Kismaayo

Kismaayo-KNN-Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Wafdigan ka socda beesha caalamka ayaa soo dhaweyn kadib loo gudbiyey madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

James Swan ayaa halkaas u tagay in uu la kulmo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana la sheegay inay ka wadahadlayaan khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in dhinacyada iska leh go’aaminta siyaasadda Soomaaliya ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay isugu yimadaan shir dambe oo heshiis looga gaaro doorashada dalka.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa si isku mid ah u diiday inay ka soo qeyb galaan shir uu gogoshiisa dhigay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku doodaya in shirkaas lagu qabto goob ay isku aamini karaan iyo in la helo garab seddaxaad oo damaanad qaadi kara daba galka fulinta wixii lagu heshiiyo.