Somali News

Wafdi uu hoggaaminayay James Swan iyo Axmed Madoobe oo ka wadahadlay Doorashada

Kismaayo-KNN-Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Kulanka beesha caalamka iyo madaxda Jubbaland ayaa waxaa dhanka Jubbaland goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga ee Maamulka Jubbaland.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Wakiilka qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Maamulka Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Jubbaland ayaa xiligan wajahaysa jahwareer siyaasadeed, lamana sida ay noqon doono Doorashada Jubbaland.