Somali News

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir muhiim ah uga qeyb galaya dalka Qatar

Muqdisho-KNN-Magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qatar waxaa maanta ka furmay shirka 7-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka oo sanadkan looga hadlayo la dagaalanka musuq maasuqa.

Shirka waxaa isla shir guddoominayey, guddoomiyaha golaha shuurada Qatar, guddoomiyaha Ururka baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo guddoomiyaha Ururka  baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).

Soomaaliya waxaa shirkaan uga qeyb-galaya wafdi uu guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka dalka.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku suganyahay Qatar shir doceedyo la qaadan doona Madaxda ka soo qeyb gasha shirkaan.