Somali News

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Deni oo gaaray Sanaag

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta  gaaray magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, halkaasi oo uu ka dhagax-dhigi doono mashaariic cusub.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa magaalada Dhahar ku soo dhaweeyey maamulka Magaaladaasi iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool halkaasi.

Mashruucan uu maanta dhagax dhigayo Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu balan qaaday Sagaal bilood ka hor,xilligii uu musharaxa ahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa  inta uu ku sugan yahay Magalada Dhahar waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo Odayaasha Dhaqanka,isaga oo kala hadllo doono xaalada Siyaasadeed gobolka Sanaag.

Ammaanka guud ee magaalada Dhahar ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo xaqiijinayo amniga Magaaladaasi.