Garowe-KNN-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland.
Ujeedka socdaalka wafdiga ay halkaa u tageen ayaa ah ka qeyb galka shir lagu mideynayo canshuuraha dalka oo beri la filayo in uu Garoowe ka furo wasiirka Maalyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.
Dhinaca kale shirkaas waxaa ka qeyb galaya wasiirrada maaliyadda maamul goboleedyada dalka.
Ammaanka Magaalada ayaa aad loo adkeeyey,waxaana shirkan uu ku soo beegmayaa,iyadoo wali uu aad u xun yahay xiriirka Dowlada Faderaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedka Puntland.


