Somali News

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Maalinta Berri ah ayaa Waxaa la filayaa  in wafdi heer caalami ah oo ka socda Dowlada Turkiga ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Difaaca, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Masuuliyiintan ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan Madaxda Dowlada Soomaaliya, marka ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, waxaa ayna ka wadahadli doonaan xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale Wasiirka Difaaca  iyo Saraakiisha Dowlada Turkiga ayaa waxaa ay Booqan Doonaan Xarumaha ay joogaan Ciidamada Militariga Soomaaliya, Sida ay Daabacday Wakaalada Wararka Soomaaliyeed  ee SONNA.