Somali News

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyada Puntland oo gaaray duleedka Af-Urur.

Boosaaso-KNN-Wararka ka imaanaya buuraleeyda Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland.

Wasiiradaan oo uu horkacayo wasiirka maaliyadda Maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa waxaa ay gaareen deegaanka Af-urur oo ay dhawaan la wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab kadib markii ay xeelad uga bexeen ciidanka Puntland.

Wafdiga ayaa waxaa ay haatan kulamo la leeyihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland oo ku sugan buuraha Galgala,iyaga oo kala hadlaya sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanka Af-Urur.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada ay isla garteen in si deg deg ah loola wareego deegaanka Af-urur oo maalmo ka hor ay la wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.