Somali News

Wafdi uu hor kacayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo maanta u anba baxay dalka Turkiga

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe  Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka hoggaaminayo ee u baxay dalka Turkiga.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa inta uu joogo dalka Turkiga waxaa la sheegay in uu kulamo la qaadan doono mas’uulyiin ka tirsan dawladda Turkiga.