Somali News

Wafdi uu horkacayo Sheekh Shariif oo gaaray Beledweyne

Beled-Weyne-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Baladweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan.

Wafdigan ay hor kacayeen  madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno kale , ayaa waxa garoonka magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo qaar kale.

Ka hor inta aysan gaarin diyaaraddii siday wafdigan, ayaa waxa ay ku sigatay in ay dib ugu soo laabato magaalada Muqdisho, balse ugu dambayn ay u suurogashay in ay si nabad ah uga dagaan garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne