Somali News

Wafdiga dowlada ee tagay Garoowe oo kulan la qaatay Madaxweynaha Cusub ee Puntland.

Garoowe-KNN-Waxaa xalay kulan ku qaatay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland madaxweynaha cusub ee maamulkaasi Saciid Cabdullahi Dani iyo wafdiga ka socda dowladda Soomalaiya ee u horkacayo wasiirka arimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.

Kulanka ayaa looga hadlay wada shaqeyn dhaw oo dhex marta labada dhinac, waxaa aana jirin war toos ah oo ay ka soo saareen kulanka ay yeesheen.

Wafdiga dowladda oo maalmo ku xayirnaa Muqdisho ayaa baxay saacado uun kadib guushii Saciid Dani waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu ka qeyb galo caleema saarka madaxweynaha ama R/wasaaraha Soomaaliya.

Xubnaha ka tirsan Dowlada Dhexe ee Soomaaliya ee tagay Garoowe ayaa horey looga mamnuucay deegaanada ka tirsan Puntland.