Somali News

Wafdiga Ereteria oo maanta dalkoodu ku laabanaya

Muqdisho-KNN-Wafdi ka socda dowladda Ereteria oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Wafdigan oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Ereteria Cusmaan Saalax ayaa xalay cashar sharaf, waxaa uu sameeyay maamulka gobolka Banaadir,Sidoo kale xalayna waxa ay la kulmeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Wasiirka arrimaha dibadda Ereteria oo ka hadlayay kulankii casha sharafta ahaa ee xalay loo sameeyay, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Ereteria ay xaalad wanaagsan ubilaabatay, uuna dib ugu soo laaban doono Soomaaliya, isaga oo madaxweynihiisa la socdo.