Somali News

Wafdigii Sedexaad ee Aqalka sare oo u ambabaxay Baydhabo

Muqdisho-KNN-Wafdigii sedexaad  ee ka socda Xubnaha Aqalka sare ayaa maanta waxaa ay  u ambabaxeen Magaalada  Baydhabo, si ay halkaasi ula kulmaan madaxda Maamulkaasi.

Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa waxaa ay tahay sidii ay xal waara ugu heli  lahaayeen khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Maamul gobaleedyada iyo Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Shalay aheyd markii Wafdigii ugu horeeyay ee ka socda Xildhibaanada Aqalka Sare ay tagaan Magaalada Garoowe Ee Gobalka Nugaal.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxda Maamul gobaleedyada ay sheegeen in ay hakiyeen Xiriirkii lalahaayeen Dowlada dhexe.