Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Maanta waxaa soo xirmaya Wejigiisa Koowaad iyada oo laga soo saarayo Warmurtiyeed, Laba Maalin oo hubin ah kaddib ayaa waxaa furmaya Wejiga Labaad ee Shirka kaasi oo Arrimaha Siyaasadda iyo Doorashada looga hadli doono.
Waxaana lagu wadaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dib ugu soo laabto magalada Muqdisho ee xarunta Dalka iyadoo sidoo kale ila xog ogaal ah ay inoo xaqiijiyeen in Maalma kadib uu ku laaban doono Madaxweyne Xasan Sheekh Magaalada Baydhabo si uu goob joog uga noqdo Wejiga Labaad ee Shirka.
Waxaana xusid mudan in Wejiga Koowaad ee shirka Dib u heshiisiinta looga hadlay Shaqaaqadii kadhacday Baydhabo iyo sida looga garaabayo.