Waxaa maanta lagu wadaa in deegaanka buq qalooc ee Gobolka mudug uu ka furmo wajiga labaad ee shir lagu xalinaayo maleeshiyaadkii ku dagaalamay bariga Gobolka Muudg,kaas oo ay ka qeyb galayaan Odayaasha iyo waxgaradka labada Beelood.
C/Casiis Cabdullaahi Cabdi “Qooje” Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa gaarey deegaanka buq qalooc ee Gobolka mudug halkaasi oo dhowaan uu ka furmayo wajiga labaad ee shirka nabadeynta beelaha ku dagaalamay Bariga Mudug.
Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in maalmaha soo aadan la dhameyn doono colaada, islamarkaana xal waara laga gaari doono arintaasi.


