Dhuusamareeb–KNN– Wariye Maxamed Cabdi Weli Tooxow oo ahaa wakiil wareedka Radio Kulmiye ayaa galabta lagu xiray Dhuusamareeb.
Waxaana xiray ciidamada Nabad sugidda ee maamulka Galmudug.
Wariye Tooxow inta uusan ka bixin hoygiisa ayuu la soo xiriiray maamulka iyo shaqaalaha KNN , islamarkaana waxaa uu sheegay in loo yeeray,kadib markii uu tagay saldhiga ayaa xabsi la dhigay.
Ilaa iyo hada lama oga sababta loo xiray wariyaha.