Muqdisho-KNN-Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa maanta soogaaray Muqdisho.
Diblomaasigaan oo 30kii May 2019, ay Qaramada Midoobay usoo magacaawday Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho usoo gaaray is uu ula wareego Xaafiiska loo soo magacaabay.
James Swan oo ah Wakiilka cusub ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa u dhashay dalka Maraykanka, waxaana la sheegay in uu khibrad u leeyahay dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, waxaana la sheegay in hawshii ugu horeysay ee uu ka qabtay Soomaaliya ay ahayd 25 sano ka-hor, isaga oo ahaa Sarkaal qaabilsan Arrimaha Siyaasadda oo ka tirsanaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya sanadihii 1994kii ilaa 1996kii.
Sidoo kale sanadihii 2007dii ilaa 2008dii, ayuu soo noqday Danjiraha dowladda Mareykanka u qaabilsan dalka Jibuuti, iyadoo intii u dhaxaysay 2008dii ilaa 2011kii, uu soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.
Sanadihii danbe ayaa la sheegay in James Swan uu ahaa Danjiraha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsanaa Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga ah Congo.
“Waxaan rajeynayaa in mar kale aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed ee adkeysiga leh oo aan si iskaashi leh ula shaqeeyo madaxdooda,” ayuu yiri Md. Swan.
Xoghaye James Swan oo sii hadlayey ayaa yiri, “Khibradeydii hore ee Soomaaliya waxay ahayd mid khusaysay xil laba-geesood ah, laakiin hadda waxaa sharaf ii ah oo mas’uuliyad iga saarantahay in aan dalka wakiil uga noqdo Qaramada Midoobay, iyo weliba guud ahaan beesha caalamka. Waxaan ku faraxsanahay wada-shaqaynta aan la yeelanayo saaxiibada dalka iyo kuwa caalamka si loo gaaro horumar waara oo ku aaddan nabadda iyo barwaaqada ay sida aadka ah u mudanyihiin dadka Soomaaliyeed.”