Uncategorized

Wakiilka Midawga Afrika oo sheegay in ay Korortay Carruurta Soomaaliya lagu Askareeyo

Wakiilka Midawga Afrika u qaabilsan  arrimaha Soomaaliya danjire Francisco Madeira, oo la hadlayay illaa 60 sargaal oo Soomaali ah oo tababar loo soo xiray ayaa sheegay in caruurta oo colaadaha loo adeegsado ay ku badan tahay gudaha Soomaaliya.

Danjire Francisco Madeira  waxaa uu xusay in caruur badan oo Soomaaliyeed in dagaalada loo adeegsado oo la askareeyo waxaana uu xusay in inkastoo uu hayn tiro rasmi ah haddana ay jiraan caruur badan oo hubaysan sida uu yiri.

Wakiilka Midawga Africa ee Soomaaliya waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in Xarakadda Al-Shabab ay yihiih cidda ugu badan ee caruurta dagaalka u adeegsata waxaana uu intaa ku daray in Al-Shabab dagaalamayaashooda ugu badan ay caruur yar yar yihiin taasoo ka hor imaanaysa xeerka caalamiga ah ee dhawrista caruurta.

“Waa wax adag in la ogaado tirada rasmiga ah ee caruurta yar yar ee dagaalka loo adeegsado halkaan Soomaaliya laakiin waxaan dhihi karnaa waa ay badan yihiin waxaa si gaar ah caruurta u adeegsada dagaalka waa Al-Shabab”  ayuu yiri danjire Madeira.

Wakiilku waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in la qaado tilaabo deg deg ah oo lagu xadidayo ama looga hortagayo in caruurta colaado loo adeegsado la xag jireeyo ama askarta dawlada lagu daro sida uu yiri.

Sidoo kale safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa asna sheegay askaraynta caruurta ay tahay waxa ugu weyn ee xilligaan bulshada caalamku ka wal welsan yihiin

Dhawr mar ayay soo baxeen warar sheegaya in caruurta dagaalanta ay aad ugu badan yihiin Soomaaliya inkastoo aan la hayn tiro koob rasmi ah haddana inta badan waxaa eeda dusha laga saara Xarakadda Al-Shabab oo ah urur hubeysan oo Soomaaliya ka dagaalanta.