Somali News

Wakiilka Urur Gobaleedka IGAD ee Soomaaliya iyo Gudoonka Aqalka sare oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wakiilka  Urur Gobaleedka  IGAD ee u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Maxamed Cali guyo iyo Gudoonka Aqalka Sare  ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ayaa waxaa ay ka wadahadleen Xiisada u dhexeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland, Xaalada Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug iyo Khilaafka u dhexeeya Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ka jira Dalka.

Ergayga Gaarka ah ee Urur Gobaleedka IGAD ayaa waxaa uu amaanay door wanaagsan ee aqalka sare ay ka qaadanayaan xal u raadinta Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ee Ka jira dalka.

Cali Maxamed Jaamac Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ayaa waxaa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid aad xasaasi u ah, islamarkaana uu soo dhaweeyay wakiilka dadaalka ay wadaan Aqalka Sare, kaasi oo ku aadan in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda Dowlada dhexe iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada.

Halkan ka dhageyso Warbixinta