Uncategorized

Walaac xoog leh oo ka jira Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan qal qal xoog leh oo dhinaca amniga ah iyo Xasarado siyaasadeed oo aad u adag.

Meel walba oo Muqdisho ka mid ah Gaar ahaan Wadada Maka Al-mukarama iyo wadnaha waxaa taagan Ciidan tira badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Waa kala darees Ciidanka isma yaqaanaan waxaana laga keenay meelo kala Duwan, meelaha qaar is taag taag Ciidanka ah ayaa jira.

Saraakiil Booliis, Nabad Sugid iyo Milatari ayaa laga celinaya wadooyinka Qaar waxaana maqlaysaa Buuq iyo hanjabaad Labada Ciidan.

Ciidamada wadooyinka ilaalinaya waxaa laga keenay Intooda badan Gobalka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Balli Doogle.

Wali ma dhicin wax isku dhacyo ah balse ma sahlana Xaaladda Magaalada waxaana laga dareemayaa Jawi colaadeed.