Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay sheegtay in Mareykanka looga baahan yahay in uusan ka hadlin arrimaha xiriirka labada Kuuriya waa haddii uu Mareykanku doonayo in doorashooyiinka madaxwaynanimada ay u dhacaan si hab-sami leh.
Bayaan lagu baahiyay wakaalada wararka rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi ee loo soo gaabiyo KCNA ayaa lagu sheegay in Mareykanka ay afkooda qabsadaan oo aysan arrimaha labada Kuuriya soo faragalin.
Kuuriyada Waqooyi ayaa horraantii toddobaadkan jartay xiriirkii kala dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed kadib markii ay Seoul ku guuldareysatay in ay joojiso warqado iyo qalab kale oo ay soo dirayeen dad u goostay dhanka Koonfurta.
Hadalka ka soo yeeray Kuuriyada Waqooyi ayaa ku soo beegmay ka dib markii xukuumadda Washington ay sheegtay inay ka xuntahay in Pyongyang ay hakiso xiriirkii kala dhaxeeyay Seoul.