Hargeyso-KNN-Iyadoo dhawaan la filayo in doorashada madaxtooyada Somaliland ay ka dhacdo deegaanada maamulkaasi,islamarkaana ay ku tartami doonaan ku dhawaad sedex xisbi ayaa la shaaaciyay waqti rasmiga ah ee ay bilaabanayaan olalaha doorashada,maadaama xisbi waliba uu olale sameyn doono muddo 7 cisho ah .
Sida ay Sheegeen Gudiga Doorashada Soomaailand Olalaha ayaa waxaa uu si rasmi ah u bilaabi doono Todbaad kadib.
Sidoo kale Waxaana maalinta ugu horeysa ee olalaha doorashada ku furmi doona xisbiga Mucaaridka ah ee UCID , waxaa ku xigi doona xisbiyada Kulmiye, waxaana ugu dambeyn doono xisbiga mucaaridka ah ee Waddani .
Hayeeshee waxaa la sheegay in Olalahan uu socod doona Muddo 21 cisho ah laba maalmood ka dib waxaa bilaaban doono doorashada madaxtinimada ee maamulka soomaaliland.
Amaanka degaanada Soomaaliland ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka lagu soo daadiyay ciidamo badan oo sugaya amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka soomaaliland.