Somali News

Waqtiga ay dhaceyso doorashada G/wakiilada ee Somaliland oo la shaaciyey

Hargeysa-KNN-Kulan ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen xildhibaanada golaha guurtada Somaliland ayaa waxay isku raaceen in waqtigii ay soo jeediyeen guddiga doorashooyinka Somaliland ee ahaa in 30-ka bisha May ee 2021-ka la qabto doorashooyinka golaha wakiillada iyo dowladaha hoose.

ku dhawaad 80 xubnood ayaa fadhiyay kulanka, waxaana codka kalsoonida siiyay 78 xubnoodoo ka tirsan golaha guurtida Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Somaliland Saciid Jaamac Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ku dhawaaqay go’aanka ay gaareen mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland.

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa waxay sheegeen in sababta ay maanta go’aanka u qaateen ay tahay sidii loogu dhimrin lahaa shacabka Somaliland, isla markaana deegaanada Somaliland ay ugu dhici laheyd doorasho lagu qanacsan yahay.

Shalay ayay aheyd markii golaha guurtida Somaliland ay guddi 31-xubnood ah u saareen sidii ay uga soo tala bixin la haayeen sidii la isku waafajin lahaa  muddo kordhin ay u sameeyeen golaha wakiilada iyo go’aanka ay soo saareen guddiga doorashooyinka Somaliland.