Somali News

Waqtiga Ra’iisul wasaaraha magacaaban la horgeynayo Baarlamaanka oo la shaaciyay

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sabtida codka kalsoonida u qaadaya Ra’iisul wasaaraha magacaaban, Xamse Cabdi Barre.

Kulanka Xildhibaannada ayaa waxaa uu ka dhacaya Xarruunta Kumeel-gaarka ee Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, sida lagu shaaciyay farriin loo dooray Xildhibaannada.

Maalintii Arbacada ee la soo dhaafay ayaa lagu waday in la qabto kulan kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisul wasaaraha magacaaban, balse waxaa uu u baaqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shiikh Aadan Madoobe oo dalka ka maqnaa.