Somali News

Waqtiga uu furmayo kulanka Baarlamaanka Puntland oo la shaaciyay

Garoowe-KNN-Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa waxaa la filayaa in Kalfadhiga mudanayaasha Maamulka  Puntland  uu furmo 15-ka bishan June, iyadoo ay kasoo qeybgali doonaan madaxda ugu sareysa Maamulkaasi.

Waxaana lagu wadaa in kulankaasi uu furo sida sharciga ah Madaxweynaha maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni.

Xildhibaanada  baarlamaanka Puntland ayaa haatan dib ugu laabanaya magaalada Garoowe, waxaana kalfadhigan ay uga hadli doonaan  arrimo kala duwan oo ay ku jiraan qodobada la xariira ammaanka, difaaca, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Madaxweynaha Puntland oo hadda kusugan dalka Itoobiya ayaa khudbad gaar ah ka jeedin doona kulankan, waxaana khudbadaas uu kaga hadli doonaa waxyaabihii uu qabsoomay tan iyo markii la ansixiyey xukuumadiisa.

Gudoomiyaha baarlamaanka Cabdixakiim DhoobaDaareed ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Garoowe, kadib markii uu ka yimid gobalka Sanaag.