Muqdisho-KNN-Baarayaal ku hoolanaa baaritaanka diyaaradii laga lahaa dalka Malaysia ee sanadkii 2014’kii ku burburtay bariga dalka Ukrain ayaa sheegay in ay hayaan cadeemo cusub oo ku aadan burburkii diyaaradaasi.
Baaritaankan oo ay hor kacayaan koox kasocota dalka Holland ayaa laga filayaa in ay ku dhawaaqaan shaqsiyaadkii ka danbeeyay burburka diyaarada.
Diyaaradan oo duulimaad nuuceedu ahaa MH17 ayaa kasoo duushay caasimada Amsterdam iyadoona ku wajahnayd magaalada Kuala Lumpur.
Burburka diyaaradaasina waxaa ku dhintay 298 ruux.
Baarayaasha ayaa falaagada gooni ugoosadka ah ee uu Ruushku taageero ku eedeeyay in ay diyaarada ku bartil maamydsadeen gantaal ah nuuca uu sameeyo Ruushka.
Diyaarada Boeing 737 ayaa burburtay 17’kii bishii July sanadkii 2014’kii xilli ay dul mareesay qaybta ay falaagada gooni ugooska ah ay kamaamulaan bariga Ukrain xilli uu socday dagaal u dhaxeeyo ciidamada dowlada iyo Falaagada.
Balse Ruushka ayaa dafiray in wax lug ah uu ku lahaa weerarka lagusoo riday diyaaradaasi.