Uncategorized

War Deg Deg ah:- Afar Carruur ah oo wada dhashay oo ku dhintay Dab ka Kacay Hargeysa

Hargeysa–KNN– Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Afar Carruur ah oo wada dhashay ay ku dhinteen Dab ka kacay Guri ay ka daganaayeen Magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafadda Ibraahin Koodbuur.

Sidoo kale Dabka ayaa la sheegay in Dhaawac Culus uu ka soo gaaray Hooyadii dhashay Afarta Carruurta ah ee ku dhintay Dabka qabsaday Gurigooda.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay wadaan Baaritaan ku aadan Dabka ay Carruurtu ku dhinteen ayna gadaal ka soo sheegi doonaan Sababta keentay in Carruurtaan ay ku Gubtaan Dabka qabsaday Guriga ay ka daganaayeen Magaalada Hargeysa.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii Guri ay ka daganaayeen Magaalada Kismaayo Qoys ka mida Dadka Barakacayaasha ah uu Dab qabsaday islamarkaana ay ku dhinteen Shan Carruur ah oo wada-dhshay.