Uncategorized

War deg deg ah:-Al-shabaab oo ciidan badan ku dilay weerar ay ku qaadayn degmada Maxaas.

Maxaas-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa soo sheegaya in dagaal culus ka dhacay duleedka degmada.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-shabaab weerar ku qaadeyn Ciidan maleeshiya ah oo fariisin ku lahaa duleedka magaalada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in shabaab ay dilayn Ciidan ka badan 5 Askari oo ahaa Maleeahiyo deegaanka, waxaana kadib usoo gurmaday Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in mar kale dagaalka ka dhacay duleedka magaalada waxaana dagaalkaasi dhaxmaray Shabaab iyo Ciidamada Soomaaliya.

Sarkaal ka mid Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in ay dagaalka kaga dhintay 2 Askari, Shabaabna ay ka dilayn in kabadan 10 Askari.

 

La soco wixii ku soo kordha.