Somali News

War deg deg ah:-Al-shabaab oo weerar khasaare Sababay ka fuliyey duleedka Afgooye.

Afgooye-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goor-dhaw weerar culus ku qaaday Ciidamo isugu jira Soomaali iyo kuwa AMISOM oo marayay duleedka degmada afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa KNN u sheegay in weerarka uu ka dhacay deegaan qiyaastii 7-10 KM u jira degmada afgooye waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Laba Gaari oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa ku gubtay waxaana sidoo kale ay Al-shabaab ka xeestayn Gaadiid kale oo kalanyada ka mid ahaa.

Ciidamada Soomaaliya oo Galbinayay Kuwa AMISOM ayaa la soo sheegayaa inuu khasaare gaaray Gaadiidna laga qabsaday, saraakiisha amaanka ayaa sheegay in aysan wali ka heynin xog intaan dhaafsiisan goobta uu weerarka ka dhacay.

Deegaankaan ay Al-shabaab weerarka ka fuliyeen ayaa hore sidaan oo kale weerar Qarax miino ay ka geestayn Al-shabaab waxay ku dileen Laba Mudane oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulada HirShabeelle iyo Koofur Galbeed bilaawgii sanadkaan.