Uncategorized

War Deg Deg ah:- Arday lagu laayay Xadka u dhexeeya Kenya iyo Suudaanta Koofureed

Kenya–KNN–Shan arday iyo nin waardiye ah ayaa toogasho lagu dilay iskuul ku yaal meel u dhaw xadka Kenya ay la wadaagto South Sudan.

Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa ku warramaysa in weerrarka ardayda iyo ninkaas lagu dilay uu dhacay arooryadii hore ee saaka.

Ma ay cadda cidda weerrarkan ka dambaysay iyo sababtaba.

Al-shabaab ayaa Dhowr Jeer Weeraro klu qaaday Gudaha wadanka Kenya,balse ma cadda in Weerarkaan uu la Xariiro Fal Argagixiso iyo in kale,waxaana jirta baaritaan ay wadaan hay’adaha Ammaanka Wadanka Kenya.

Sidoo kale ma jirto wax War ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Kenya oo ku aadan Weerarka lagu laayay Ardayda ee ka dhacay Xadka Kenya iyo Suudaanta Koofureed ay wadaagaan.