Uncategorized

War deg deg ah: Baarlamaanka Hirshabeelle oo kalsoonida kala noqday Madaxweyne Cosoble

Jowhar-KNN-In ka badan 60 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhaw Kalsoonida kala noqday Madaxweynaha Maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 76 Xildhibaan waxaana 68 Xildhibaan ay u codeeyeen in Xalsoonida lagala noqdo Madaxweyne Cosoble waxaana ka soo hor jeestay 2 Xildhibaan halka 6 Xildhibaana ay ka aamuseen Sida ay ku dhawaaqday Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulkaasi Marwo Canab.

Ma jiro wax weriye ah oo goobjoog ka ahaa kalsoonida lagala laabtay Cali Cabdulaahi Cosoble hase yeeshee Cod laga soo duubay Marwo Canab ayaa lagu sheegay in Xil ka qaadista Madaxweynaha Maamulkaasi waxaana si KMG ah loogu dhiibay Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Cali C/llaahi Xuseen “Guudlaawe”.

Wixii ku soo kordha la soco.