Uncategorized

War deg deg ah:- Baarlamaanka Puntland oo u yeeray Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Ciidamada

Garowe–KNN– Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa u yeeray Wasiirka Amniga Dowlad Gobolleedka Puntland iyo Saraakiisha sare sare ee Ciidamada Maamulkaasi kuwaas oo wax laga weydiin doono Arrimo dhowr ah.

Wasiirka Amniga Axmed Dowlad iyo saraakiisha kala duwan ee ciidanka ayaa la sheegay in wax laga weydiin doono Weerarada Al-shabaab iyo Daacish ay ka geystaan Magaalooyinka Puntland iyo Muranka dhanka Gobollada Sool iyo Sanaag Ee puntland iyo Somaliland u dhexeeya.

Barlamaanka Puntland oo kujira kal-fadhigiisii 40aad ayaa lafilayaa inay wasiirka iyo saraakiisha wax ka waydiiyaan xaaladda ammaan ee Magaalooyinka Puntland gaar ahaan Boosaaso Dilalka iyo Qaraxyada ugu badan ay ka dhacaan.

Baarlamaanka puntland ayaa ku Eedeeyay  Madaxda Dowlad Gobolleedka Puntland in ay wax ka qaban waayeen Arrimaha Xaduuda Puntland iyo Somaliland.