Uncategorized

War deg deg ah: Banaanbax ka socdo Magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo-KNN-Boqolaal banaabaxyaal ah ayaa maanta isugu soo baxay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xatunta gobalka mudug.

Banaan-baxayaasha ayaa taageero u muujinayay madaxweynaha Galmudug Axmed Dacaale Geelle oo wajahayo khilaaf ka dhashay go’aankii uu ka qaatay xiisada wadamada Khaliijka.

Xaaf ayaa maalin ka hor qoraal uu soo saaray waxa uu ku taageeray isbaheysiga Sacuudiga ee go doomiyay wadanka Qadar.

Banaan-baxayasha ayaa wato borar lagu soo qoray hal ku dhigyo lagu taageerayo Madaxweynaha Galmudug loogana soo hor jeedo go’aankii ay qaateen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeynka Galmudug.

Lama oga halka uu ku danbeyn doono khilaaf soo kala dhex galay madaxda Galmudug.