Muqdisho–KNN– Banaanbax Dadku ay ku muujinayaan Dareenkooda ku aadan in ay ka xun yihiin Falkii Foosha Xumaa ee lagu Xasuuqay Dadka Shacabka ah ee Shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa hadda ka socda Qeybo badan oo ka mida Magaalada Muqdisho.
Dadka Banaanbaxa dhigaya ayaa Socodkooda waxaa ay ka soo bilaabeen Garoonka Ciyaaraha Ee Stadium Banaadir,waxaana ay socod ku mari doonaan Wadada Dheer ee Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho,waxaana Banaanbaxa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Guddoomiyaha Gobolka banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa Maanta ugu baaqay Shacabka ku nool Gobolka Banaadir in ay dhigaan banaanbax ay uga soo Horjeedaan Falkii lagu Xasuuqay Dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan.