Uncategorized

War Deg Deg ah:- Banaanbax Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho–KNN– Banaanbaxaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen Dad Taageersan Xukumadda islamarkaana ka soo horjeeda in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Fara geliyaan Go’aankii ay Xukumadda Soomaaliya ay ugu Wareejisay Dowladda Itoobiya Sargaal Sare oo ka tirsan Jamhadda ONLF oo la yiraado C/kariin Sheekh Qalbi-dhagax ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Iridka hore Ee Xarunta Golaha Shacabka.

Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa loo diiday in ay ku Hor Banaanbaxaan Xarunta Golaha Shacabka oo uu ka socdo Kulan Xildhibaanadu ay uga doodayaan Go’aankii ay Xukumaddu gaartay,waxaana Dadkii Isku soo baxa dhigayay kala Eryay Ciidamada Booliska ee Sugaya Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka.

Qaar kamida Dadka Banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan in Xukumadda Soomaaliya Mooshin laga keeno islamarkaana ay la rido Xukumadda Shaqeyneysa sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta leh kulan ay uga Doodayaan Go’aankii Xukumadda Soomaaliya ay Dalka Itoobiya ugu Wareejisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.