Uncategorized

Boorsooyin lacag ah oo lagu qabtay garoonka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Boorsooyin lacag ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde.

Saraakiisha amaanka ee garoonka Muqdisho ayaa KNN u sheegay in ay qabtayn ilaa 3 Boorso oo ay ku jireen Malaayiin lacag doolar ah, waxaana laga dejiyay diyaarad ku sii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in lacagtaan loo waday magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaana sidoo kale la sheegayaa in Imaaraadka laga keenay lacagtaasi.

La soco wixii ku soo kordha.