Uncategorized

War Deg Deg ah:- Ciidamada Ammaanka Galmudug iyo Maleeshiyaad ku Dagaalamay Cadaado

Cadaado–KNN–Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Galmudug ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya Ciidamada Ammaanka Galmudug iyo Maleeshiyaad Isbaaro dhigtay uu ka soconayo  Dhanka Waqooyi Magaalada Cadaado.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay qaadeen Ciidamada Galmudug oo diidan Isbaaro ay dhigteen Maleeshiyaad Degaanka ah,waxaana Rasaasta ay isku adeegsanayaan ay saameysay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan Dad Shacab ah oo ku dhaawacmay Rasaasta ay isku adeegsanayaan Labada Dhinac,kuwaas oo la dhigay Isbitaalka Magaalada Cadaado.

Waxii ku soo kordha dib kala soco Insha Allah