Uncategorized

War deg deg ah-: Ciidamada Dowladda oo ka hortagay Ciidamo kale oo isku dayay in ay Jabsadaan Bakhaar hub ku jiray ee Xerada Imaaraadka.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa ka hor tagay Ciidamo kale oo ka tirsan Milatariga soomaaliya oo isku dayay in ay jabsadaan Bakhaar hub uu ku xareesnaa oo ku yaala Gudaha Xerada Gen Gordan ee degmada Hodan sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka.

Saraakiisha Ciidamada amniga ayaa KNN u sheegay dagaal waqti kooban socday uu ka dhacay Aagga xerada kaas oo ka dhashay kadib markii Ciidamo ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta ay isku dayeen in ay jabsadaan Bakhaar hub ka buuxay kadibna ay ka hor tageen Ciidamo kale

Si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee dagaalka ka dhashay balse xaaladda ayaa hadda degan waxaana goobta ku sugan Ciidamada Dowladda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la qabtay dhamaan Ciidmadii isku dayay in ay Bakhaarka Jabsadaan iyo saraakiishii la socotay.

 

La soco wixii ku soo kordha.