Danwale–KNN–Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Degaanka Danwale oo hoostaga Degmada Walanweyn ayaa sheegaya in Maanta Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Soomaaliya ay Gacanta ku dhigeen Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalameyaasha Shabaabka ka tirsan ee la sheegay in la qabtay ayaa tiradooda lagu sheegay 16,waxaana ku jira Saraakiil Sare sare oo Shabaab u qaabilsan Qaraxyada iyo Weerarada Tooska ah sida ay sheegeen Saraakiil ka mida Ciidamada Xoogga Dalka.
Saraakiisha ayaa tilmaamay in Raggaan ka tirsan Shabaab ee Gacanta lagu dhigay ay Miinooyin ku aasayeen Degaanka lagu qabtay Ee Danwale,waxaana Saraakiishu ay xuseen in ay ku jiraan Saraakiil mudo lagu raadjoogay.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya in ay Warbaahinta u soo bandhigi doonaan Magacyada iyo Xilalka ay hayeen Saraakiisha Shabaabka ah ee Maanta lagu qabtay Gobolka Shabellaha Hoose,iyadoona Milatariga Soomaaliya ay sheegeen in la Burburiyay Saldhig Al-shabaab ay Degaankaas ku lahaayeen.
Shabaab dhankooda ma jirto wax War ah oo ka soo baxay oo ku aadan Dagaalameyaasha gaaraya 16 Qof ee Maanta lagu qabtay Degaanka Danwale ee Gobolka Shabellaha Hoose.