Uncategorized

War Deg Deg ah:- Ciidamada Xoogga oo Fasaxay Maxaabiis ay Al-shabaab ku haysteen Gobolka Baay

Baydhabo–KNN– Wararka ka imaanaya Degaanka lagu Magacaabo War-gaduud Shanta oo 35-km u jirta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Maanta Ciidamada Xooga Dalka ay Weerar ku qaadeen,waxaana Degaankaas ku sugnaa Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga gaar ahaan  Ururka 46-aad ay la wareegeen Tuulada War-gaduud Shanta oo u dhow Magaalada baydhabo,waxaana halkaas ka dhacay Dagaal mudo Kooban socday.

Saraakiisha Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay Degaankaas ka Fasaxeen Tiro Maxaabiis ah oo u xirnaa Al-shabaab,kuwaas oo hadda helay Xoriyaddooda sida ay hadalka u dhigeen.

Hayeeshee ma sheegin Tirada Maxaabiista ay ka siidaayeen Xabsiga ku yaalla Degaanka War-gaduud Shanta oo ay horay u haysteen Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Saraakiisha Hogaaminaya Ciidamada la wareegay Degaankaas ayaa Xusay in ay sii wadi doonaan Howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan qeybo ka mida Gobolada Baay iyo Bakool.

Al-shabaab dhankooda kama hadlin Warka ka soo baxay Saraakiisha Xoogga Dalka ee ah in ay Maxaabiis ka siidaayeen Degaanka War-gaduud Shanta ee Gobolka Baay.