Uncategorized

War deg deg ah-: Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda oo galay Guriga Cabdi Qeybdiid.

Muqdisho-KNN-Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa goor-dhaw galay Guriga Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ku yaala Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Wararka ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegayo in ay Ciidamada Guriga ay xoog ku galayn waxaana Albaabka lagu jebiyay Gaari Nuuca Cabdi Bile ah sida ay sheegeen Goob joogayaal.

Xiliga ay ciidanka Guriga galayn ayaa la sheegay in uu Xildhibaanka ka maqnaa, waxaana la sheegay in ay ka qaatayn Labo Qori oo ah nuuca fudud.

Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa la sheegay in uu Goor-dhaw gaaray Gurigiisa oo ay Ciidamada wareerayn.

Wariyiyaasha ayaa looga yeeray Guriga Qaybdiid waxaana la filayaa in uu goor-dhaw la hadlo Saxaafadda.

Lama oga sababta keentay weerarkaan balse waxaa la sheegayaa in ay Fuliyeen ciidankii hore u weeraray Guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame.