Uncategorized

War Deg Deg ah:- Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ku Dagaalamay Degmada Afgooye

Afgooye–KNN– Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Galabta Gudaha Degmada ay ku wada Dagaalameen Ciidamo ka wada tirsan Dowladda,waxaana Dagaalku uu Sababay Dhimasho iyo Dhaawac intaba.

Dagaalka oo mudo Kooban socday ayaa la sheegay in Qof Shacab ah uu ku dhintay,waxaaana ku dhaawacmay illaa 10 kale oo isugu jira Ciidamadii Dagaalamay iyo Dad rayid ah.

Illaa hadda lama oga waxa uu Salka ku hayo Dagaalka dhexmaray Labada Ciidan,balse waxaa Caawa degen Xaalada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.