Buurdhuubo-KNN-Wararka idaacada Kulmiye ka heleyso degmada Buurdhuubo ee Gobolka gedo ayaa sheegaya inuu socda dagal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Xooga ee ku sugan Gedo iyo Al-shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa qaaday Al-shabaab oo weeray saldhiga ciidamada dowladda ee degmada Buurdhuubo iyadoo la tilmaamayo in ay dhowr jeho weerarka ka qaadeen.
Sarkaal kamid ah ciidamada dowladda oo dagaalka ku jira ayaa si kooban uga hadlay dagaalka.
Halkaan ka dhageyso codka sarkaalka.