Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraayo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay goor dhow weerar ku qaadeen Ciidamada Dowlada ee ku sugan degmadaasi iyo AMISOM.
Wararka hadda naga soo gaarayo degmada Balcad ayaa sheegaya in dagaalka uu ka socdo Warshadii hore Dharka oo hadda fadhiisimo u ah Ciidamada Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.
Dadka deegaanka oo la hadlay KNN ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu socdo waxayna sidoo kale ay tilmaameen in dagaalku leysku adeegsanayo Hub culus iyo mid fududba, goobjoogayaasha ayaa dhanka kale tilmaamay in hadda aysan caddeen Karin khasaaro dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.
Lasoco wixii ka soo kordha.