Uncategorized

War deg deg ah: Dagaal Culus oo ka socda deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Bariire-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in saakay halkaasi uu ka bilaawaday dagaal culus oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Gobalka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ciidan Ajaaniib Cadaan ah ay saakay weerar culus ku qaadeen deegaankaasi waxaana la maqlaya rasaas culus oo halkaasi ka dhaceysa.

Goobaha la wareeray ayaa waxaa Fariisamo ku leh Al-Shabaab oo dagaal Culus kala hor tagay Ciidamada Huwanta ah.

Goob Joogayaal ayaa KNN u sheegay in ay maqlayaan hub culus oo labada dhinaca ay isku adeegsanayaan waxaana inta badan deegaanka qabsaday ciidamadaii weerarka qaaday.

 

wixii ku soo kordha la soco.