Uncategorized

War Deg Deg ah:- Dagaal Culus oo ka socda Gobolka Mudug

Sarjimaale–KNN– Wararka ka imaanaya Tuulooyin hoosyimaada Degaanka Sarjimaale ee Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug uu ka soconayo.

Dagaalka ayaa si rasmi ah ugu dhaxeeya Maleeshiyaad Xoolo dhaqato ah oo ku Abtirsada Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Illaa hadda lama oga inta uu le eg yahay Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray Maleeshiyaadka Dagaalamaya.

Dagaalka ayaa imaanaya Xilli Maamulada Puntland iyo Galmudug  ay Gobolka Mudug ay ka sameeyeen Ciidamo isku dhaf ah oo ay sheegeen in ay wax ka qabanayaan Dilalka u dhexeeya Maleeshiyaadka ku kala Abtirsada Labada Maamul.