Uncategorized

War deg deg ah:-Dagaal dib uga qarxay deegaanka Tukeraq.

Tukeraq-KNN-Wararka saakay naga soo gaarayo deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool ayaa soo sheegaya in dagaal culus uu dib uga qarxay Aagga dagaal ee Tukeraq ee gobalka Sool.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyey in Aroortii hore saakay dhowr jiho ka bilaawday dagaal culus kaas oo wali ka socda deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool.

Deegaanka ayaa waxaa ka taagnaa tan iyo Bishii Janaury ee sanadkaan, Markaas oo ay qabsadeen Ciidamada Soomaaliland.