Mudug–KNN– Wararka ka imaanaya Degaanada Bariga Gobolka Mudug gaar ahaan Degaanka lagu Magacaabo Cali-waal ee Waqooyi Bari Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu ka socdo Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalka oo ay qeyb ka yihiin Gaadiidka Dagaalka ayaa biloowday saakay,waxaana uu soconayaa illaa Xiligaan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Dagaalka uu geystay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamaya,inkastoo ay jiraan Waxyeello soo gaartay Dadka Shacabka ah.
Dhanka kale Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Dagaalka ka socda Dhulka Miyiga ah uu Saameyn ku yeeshay Magaalada,waxaana sidoo kale Magaalada ka baxay Gurmadyo labada Dhinac ah.
Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Dhowr Jeer Heshiis ka gaaray Colaadda Gobolka Mudug ayaa ku Guuldareystay in ay Xal ka gaaraan Joojinta Dhiiga ku daadanaya Gobolka Mudug.