Uncategorized

War deg deg ah: Dagaalo ka bilaawday Qeyba ka mid ah G/Galgaduud iyo Ahlsunna oo lagala wareegay deegaano badan.

Xeraale-KNN-Ciidamo Beeleed la sheegay in ay garab ka helayaan Kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Xeraale ee gobalka Galgaduud oo ay maalmahaan ka socdeen dagaalo culus iyo sidoo kale deegaanka Mareer-gur oo ay gacanta ku haayeen Ahlusunna sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka.

Wararka aan ka helnay dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Huwanta ah ay qabsadeen Xeraale mareer-gur iyadoo ay hada ka dagaalamayaan meel u dhaw Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobalka Galgaduud.

Xubno ka tirsan Ahlusunna ayaa oo aan la hadalnay ayaa sheegay in hada uu dagaal culus ka socda duleedka magaalada dhuusamareeb iyagoo sheegay in duulaan lagu soo qaaday deegaano nabad galyo ay ka jirtay.

La soco wixii ku soo kordha dagaalkaasi.